Bishan November 15-keedii, Mudane Wang Yu, Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u jooga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuu ka qeybgalay Xafladda bilowga Mashruuca dib-u-hagaajinta Jaamacadda Difaaca Qaranka Soomaaliyeed, isaga oo wehelinaya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo Mudane Axmed Maalim Fiqi, Wasiirka Difaaca Soomaaliya.
Sida lagu qoray Bogga Safaaradda Shiinaha, Safiirka Wang wuxuu xusay in Afar mabda’ oo uu soo jeediyay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo ku saabsan ka qaybgalka wax dhisaya ee dhinacyada khuseeya ee xallinta arrimaha kulul ee Afrika ay bixiyaan tilmaamo wax ku ool ah oo lagu wajahayo xaaladda hadda ka jirta Geeska Afrika. “Shiinaha waxa uu diyaar u yahay inuu taageero Soomaaliya, si ay u ilaaliso Madax-Bannaanideeda iyo ammaankeeda, iyada oo loo marayo tallaabooyin dhab ah”.
“Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Mohamud wuxuu si daacad ah ugu mahadceliyay Shiinaha taageerada uu siiyay Mashruuca dib u habeynta Jaamacadda Qaranka ee Difaaca Soomaaliya, iyo kaalmada qiimaha leh ee uu u fidiyay Soomaaliya qeybaha kala duwan. Wuxuu ku celiyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka Laba-geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha, si adagna u taagan tahay mabda’a Hal-Shiinaha, isla markaana aqoonsan tahay in Taiwan ay tahay qeyb aan laga go’in karin Dhulka Shiinaha”, ayaa lagu xusay Qoraalka.
Qoraalka Safaaradda waxaa kaloo lagu yiri: “Wasiir Fiqi wuxuu xoojiyey doorka muhiimka ah ee Jaamacadda Qaranka ee Difaaca Soomaaliyeed ee ilaalinta Amniga Dalka, wuxuuna ballan qaaday in Soomaaliya ay hubin doonto guusha Mashruuca”.
Dhinaca kale ‘Shiinaha iyo Jabuuti ayaa iska kaashaday, si loo joojiyo aqoonsiga Somaliland’, waa cinwaanada ugu waaweynaa ay Warbaahinta Caalamku qortay.
Shiinaha iyo Jabuuti ayaa kordhinaya dadaallada Diblomaasiyadeed, si looga hortago Somaliland inay hesho Aqoonsi Caalami ah oo dheeraad ah, isla markaana ay ka soo horjeedaan xiriirka sii kordhaya ee ay la leedahay Taiwan, tallaabo isku dubbaridan oo xoojinaysa mowqifka Soomaaliya ee Dhulkii muranka uu ka taagnaa.
Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Wang Yu ayaa sheegay in Beijing iyo Jabuuti ay ku heshiiyeen inay wada shaqeeyaan, si loo ilaaliyo Midnimada Soomaaliya, loogana hortago isku day kasta oo lagu aqoonsanayo Somaliland inay tahay Dal Madax-Bannaan.
Markii uu ka hadlayay Munaasabad dhagax dhigid ah oo ka dhacaysay Muqdisho, Wang wuxuu sheegay in Hogaamiyayaasha Labada Dal ay yeesheen wadahadallo, isla markaana ay gaareen faham ku saabsan ilaalinta Xuduudaha Soomaaliya.
“Anaga oo kaashanayna Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaan isku Afgarannay inaan sameyno wax kasta oo suurtagal ah, si Somaliland aysan u helin Aqoonsi,” ayuu Wang yiri, isagoo sharraxaya Dhulkaas inuu yahay qeyb aan la kala saari karin oo ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Hadalkiisa wuxuu ka tarjumayaa mowqif wadajir ah oo si rasmi ah loo xoojiyay bishii Oktoobar, markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Wang Yi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Abdoulkader Houssein Omar ay kulan ku yeesheen Beijing. Bayaanadooda wadajirka ah ayaa diiday isku dayga lagu doonayo in lagu helo aqoonsi Diblomaasiyadeed ee Somaliland, waxayna ka soo horjeedeen waxa ay ku tilmaameen iskaashi u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan.
Iskuduwidda Diblomaasiyadeed ayaa imanaysa xilli xiisado Caalami ah oo sii kordhaya ka jiro xaaladda Somaliland. Israel waxay noqotay Dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland 26-ka Diseembar 2025-kii, taasoo dhalisay cambaareyn xooggan oo ka timid Muqdisho iyo diidmo ka timid dhowr Dowladood oo Heer Goboleed ah iyo kuwa Caalami ahba.
Taiwan waxay xafiisyo Wakiil ka sameysay Hargeysa iyo Taipei tan iyo 2020-kii, iyadoo horumarisay Iskaashi Siyaasadeed iyo dhaqaale oo ay la leedahay Somaliland. Beijing waxay u aragtaa Taiwan qeyb ka mid ah Dhulkeeda, waxayna si xooggan uga soo horjeedaa xiriirka rasmiga ah ee ay la leedahay Somaliland.
Shiinaha sidoo kale si isdaba-joog ah ayuu u xaqiijiyay taageeradiisa Madax-Bannaanida Soomaaliya. Bishii Janaayo, Labadan Dowladood waxay ku celceliyeen ballanqaadkooda ku aaddan Xuduudaha Soomaaliya, iyadoo Muqdisho ay mar kale muujisay taageerada ay u hayso Siyaasadda Shiinaha.
Dalkaa Jabuuti, oo Xuduud la leh Maamulka Somaliland, isla markaana leh Xiriir Siyaasadeed iyo Dhaqaale oo dhow Muqdisho, arrintani waxay leedahay saameyn weyn oo Goboleed.
Isku-duwidda sii kordheysa ee u dhaxeysa Beijing iyo Jabuuti waxay culeys Diblomaasiyadeed ku dareysaa Ololaha Soomaaliya ee ka dhanka ah aqoonsiga Somaliland, maaddaama khilaafku si weyn ugu dhex jiro Tartanka Siyaasadda Caalamiga ah ee Geeska Afrika.

