DOWLADDA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa soo noqoshada falalka burcad-badeednimada ee ka dhacaya xeebaha Puntland ee Soomaaliya.

Tan iyo bishii Abriil 2026, waxaa dhacay weerarro iyo afduub loo geystay maraakiib ganacsi, iyadoo qaar ka mid ah dhacdooyinkaas ay ku fidiyeen Gacanka Cadmeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay marwaliba garab taagan tahay shaqaalaha maraakiibta ay saameeyeen falalkaan iyo qoysaskooda, waxayna ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan badmaaxiinta weli gacanta ku hayaan kooxaha burcad-badeedka ah.

Ciidamada Soomaaliyeed waxay tallaabooyin ka qaadayaan shabakadaha burcad-badeedka, kuwaas oo ka hawlgala badda iyo dhulkaba.

Tallaabadii ugu dambeysay ayaa ahayd hawlgalkii lagu soo furtay markabka xamuulka ah ee MV Lutuf, kaas oo burcad-badeeddu afduubteen, waxaana markabka la soo furtay 29-kii Agoosto, Hawlgallo intaasi dheerna way sii socon doonaan.

Iskaashiga amniga badda ee Soomaaliya waxaa lagu fuliyaa iyadoo lala kaashanaayo Dowladda Federaalka, waxaana lagu wadaa isku duubni ay la leeyihiin Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo lagu shaqeynaayo hannaan qaran oo amni ah isla markaana mideysan oo leh isla xisaabtan cad.

Saaxiibbada Soomaaliya waxay Dowladda Soomaaliya ku soo dhaweynaysaa inay taageeraan ciidamada Soomaaliyeed ee ilaalada iyo amniga badda, iyagoo adeegsanaya hannaankaan.

Kheyraadka badda Soomaaliya waxaa lagu maamulaa sharciga Soomaaliyeed, halka kalluumeysiga sharci darrada ah, aan la soo sheegin iyo kan aan nidaamsanayn (IUU Fishing) uu xadgudub ku yahay xuquuqda madaxbannaanida Soomaaliya ee ku cad Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda (UNCLOS).

Sida ku cad Qodobka 100-aad ee Heshiiska, dhammaan dowladuhu waxaa waajib ku ah inay iska kaashadaan la dagaallanka iyo ciribtirka burcad-badeednimada.

Iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hadda tahay xubin ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxay arrintaan khatarta ah horgeyn doontaa Golaha Ammaanka, waxayna si dhow ula shaqeyn doontaa saaxiibbadeeda laba geesoodka ah, kuwa gobolka iyo kuwa caalamiga ah, oo ay ku jiraan iskaashiga lagu sameeyo Xeerka Anshaxa Jabuuti (Djibouti Code of Conduct) iyo Wax ka beddelka Jeddah (Jeddah Amendment), si loo sii daayo badmaaxiinta ay saameeyeen falalkaan loona burburiyo shabakadaha burcad-badeedka ah.

Dowladda Soomaaliya ma oggolaan doonto in biyaha dalkeedu noqdaan meel ay gabaad ka dhigtaan kuwa gala dambiyada baddaha.