Dowladda oo Shaacisay xiliga la qabanayo Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka G/Banaadir

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u shaacisay Maalinta la qabanayo Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in 5-ta July 2026 la qabanayo Doorashada Guddoonka Goleyaasha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Xubnaha Ururada Siyaasadda ee qaybta ka noqday Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu wargeliyay in ay u diyaargaroobaan Doorashadaas maadaama lagu mashquulayo Todobaadka Xorriyadda.