Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hey’adaha Cadaaladda

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Booliska Soomaaliya qeybta la shaqeysa Booliska Caalamiga ah ayaa dalka Rwanda kasoo qabtay eedeysane Jaamac Cabdi Maxamuud oo baxsad ka ahaa hey’adaha Cadaaladda, kaas oo ku eedeysan Kufsi, Duubis muuqaalo anshax xumo ah, iyo tacaddi loo geystay gabdho Soomaaliyeed