Dowladda oo casuumaad u dirtay golaha mustaqbalka Soomaaliyeed

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah casuumaad ugh dirtay Golaha mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta ka aragtida duwan dowladda.

War-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale lagu xusay in la qaban doono shirweyne Qaran oo wadatashi ah.