Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Dowladda Mareykanka ayaa cadeysay in aysan waxba iska badalin siyaasaddeeda ku aaddan Soomaaliya, isla markaana si buuxda u taageersan tahay Madax-bannaanida, Midnimada, iyo Wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya . Dowladda Mareykanka ayaa tallaabadan ku tilmaamtay mid muhiim u ah ilaalinta Qarannimada Dalka iyo xasilloonida guud ee Gobolka.
Dowladda Markeykanka ayaa hadalkan ka sheegtay kulankii degdegga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay , oo ay Soomaaliya dalbatay si looga wada hadlo faragelinta Israa,iil ee Soomaliya.
Dowladda Mareykanka ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya tahay hal Dal oo leh xuduudo caalami ah oo la aqoonsan yahay, ayna muhiim tahay in la dhowro Qaranimada iyo Wadajirka Dhuleed ee Dalka.
Sidoo kale, Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in ay mowqif adag ka taagan tahay in Soomaaliya la kala gooyo, iyadoo caddeysay in Midnimada, Madax-bannaanida, iyo Wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay in la dhowro, isla markaana aan laga oggolaan faragelin.
Dowladda Mareykanka ayaa ku boorisay Beesha Caalamka, gaar ahaan Golaha Ammaanka iyo Midowga Afrika, in ay qaataan mowqif mideysan oo lagu ilaalinayo Qaranimada Soomaaliya iyo xasilloonida Gobolka, ayna ka hortagaan tallaabo kasta oo wax u dhimaysa Madaxbannaanida Dalka.

