Dowladda Jarmalka oo Ruushka ku eedaysay inuu dambiyo dagaal ka geystay dalka Ukraine

Dowladda Jarmalka ayaa ku eedaysay Ruushka inuu dambiyo dagaal ka geystay dalka Ukraine,Chancellor Scholz ayaa sheegay in dalalka reer galbeedka ay ka wadahadli doonaan sidii loo qaadi lahaa tallaabooyin dheeri ah ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in gabood fallo ka dhaceen magaalooyinka Bucha iyo Ayhan Şimşek.

Jarmalka ayaa sheegay in tobanaan qof oo rayid ah, kuwaas oo isugu ku jira haween, caruur, iyo dad waayeel ah lagu dilay magaalooyinkan,iyadoo ku baaqday in si weyn loo baaro dambiyadda dagaal ee ay galeen ciidamada qalabka sida ee Ruushku.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba ayaa ugu baaqay ururada caalamiga ah Axadii in ay sida ugu dhaqsaha badan ugu soo diraan dalka khubaradooda si ay u soo ururiyaan cadaymaha dambiyada dagaal ee ay gaysteen ciidamada Ruushka.

Dowladda Ruushka ayaa dhankeeda iska fogaysay eeddahan loo jeedinayo Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Ruushka ayey ku beenisay in ciidamadooda ay dileen dad rayid ah, xilli ay ka baxayeen magaalooyinka ku dhow Kyiv.