Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Guud ee CARE International Soomaaliya, Marwo Ummy Dubow, si loo xoojiyo iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo CARE International.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray taageerada hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), xoojinta nidaamyada kormeerka iyo qiimaynta (M&E), dhisidda awoodda hay’adaha dowladda, kobcinta go’aan-qaadashada ku saleysan xog, iyo dardargelinta saxiixa Heshiiska Is-afgaradka (MoU), kaas oo qeexaya qaabka iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dhinac.
Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda iskaashi waara oo lagu taageerayo mudnaanta horumarineed ee dowladda, waxayna ku heshiiyeen in la sii xoojiyo wada-shaqeynta si loo dardargeliyo hirgelinta qorshayaasha mudnaanta leh ee dowladda.

