Dowladda Hoose ee Gaalkacyo oo bilowday hirgalintiisa Nidaamka Mideysan ee Dad dhigista Fadaraalka Soomaaliya

Gaalkacyo – Duqa Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa si rasmi ah uga daah furay Nidaamka Mideysan ee dad dhigista Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Nidaamka Dad dhigista Mideeysan ee Jamhuuriyada Fadaraalka Soomaaliya oo ah mid ahmiyad weyn u leh hirgalintiisa ayaa waxaa si rasmi ah u bilaabay maamulka Dagmada Gaalkacyo ee Galmudug.

Duqa dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo ay wehliyeen injineero ka socday Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS Xubnaha Golaha Deegaanka Dagmada, ayaana si rasmi ah u furay Nidaamka Dad dhigista Mideeysan ee Heer Fadaraal, kaas oo la qorsheeyay in Guud ahaan Galmudug laga bilaabo Afar dagmo oo kala ah Gaalkacyo, Dhuusamareeb Cadaado iyo Caabudwaaq.

Duqa Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyay faa’iidada ku jirta Isdiwaan galinta iyo qaadashada Shahaadada dad dhigista Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya, isagoo sheegay inuu yahay aqoonsi Qaran meel kasta oo aad joogtana kuu ah cadeeyn.