Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa shaaca ka qaaday in maanta dalka dib loogu soo celiyay 30 muwaadin oo Soomaali ah oo oggolaanshahooda looga soo kaxeeyay dalka Liibiya kadib xabsi iyo xaalado adag oo nololeed oo halkaasi ku haysatay.
“Waxaan halkaan u taagannahay inaan soo dhoweyno in ka badan 30 muwaadiniin Soomaaliyeed oo si mutadawacnimo ah looga soo daad-gureeyey dalka Liibiya, ka dib markii ay soo mareen xabsiyo iyo xaalado nololeed oo aad u adag” ayuu yiri Isaaq Maxamuud
Waxaa sidoo kale la filayaa in maalmaha soo socda ay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa soo gaaraan ku dhowaad 60 muwaadiniin kale, kuwaasoo isna laga soo badbaadiyey halisyo naf iyo maalba leh.
Tallaabadan waa qayb ka mid ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto yareynta tahriibka sharci darrada ah, oo ay dad badan oo Soomaaliyeed ku waayeen noloshooda.
Sidoo kale, waxaan wasaaradda ayaa soo jeedisay in laga bilaabo maanta, hay’adaha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ay si adag ula dagaallamaan shabakadaha tahriibka ee dhalinyaradeenna ka dhoofinaya gudaha dalka.