Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Dowladda iyo shacabka India kadib shilkii naxdinta lahaa ee ku dhacay diyaaradaAir India ee waxyar kadib markii ay ka duushay magaalada Ahmedabad.
Aad iyo aad ayaan uga xunahay dhacdada shilkan geystay khasaaraha culus, waxaanan murugada la qaybsanaynaa dhibanayaasha qoysaskooda iyo dhamaan inta ay ku dhinteen ehelkoodii.
Soomaaliya waxay garab taagan tahay Hindiya iyo dhammaan ummadaha ay dhibaatadu taabatay.