Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay tacadiyadii xuquuqul insaanka ka baxsanaa ee dhowaan ay Degmada Aadan Yabaal ka geysteen Khawaarijta gabalkooda sii dhacayo.
Khawaarijta sii cararayey ee jabey ayaa halkaasi ku dhaawactiray in ka badan 100 xubnood oo ka mid ahaa Khawaarijta ku dhaawacantey dagaalkii kooxda arxanlaaweyaasha looga saaray Degmada Aadan Yabaal.
Dowladda Federaalka ayaa tacadiyadaas ku tilmaantey kuwo ka baxsan diinta Islaamka, aadminimada iyo dhaqanka Soomaaliyeed intaba.
Dhakhaatiirta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo diyaar u ahaa daweynta iyo xanaaneynta Khawaarijta dagaalka ku dhaawacmey, ayaa ka war helay in la helay godad waaweyn oo lagu guray Khawaarijta iyagoo dhaawacan ay dhameystireen madaxda Khawaarijta ee sii cararayey.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aaminsan tahay in dhalinyaradaasi la khaldey ay heli lahaayeen soo dhoweyn iyo in loo diyaariyo inay bulshada dib uga mid noqdaan marka ay dhameystaan barnaamijyada dhaqan celinta ee dowladda.
Waxaa mar kale loogu baaqayaa dhalinyarada la khaldey inay iska diidaan awaamiirta horjoogeyaasha arxanlaaweyaasha ah, ayna degdeg isugu soo dhiibaan dowladda si naftooda iyo mustaqbalkooda loo badbaadiyo.
