Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq ka soo saartay qalalaasahii rabshadaha watay ee ka dhacay gobolka Awdal

Mudisho(Wargeyska Dalka):-Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq kasoo saartay qalalaasahii rabshadaha watay ee ka dhacay gobolka Awdal, gaar ahaan Magaalada Boorama.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ka xun tahay qalalaasihii rabshadaha watay ee ka dhacay Gobolka Awdal, gaar ahaan Magaalada Boorama.

Dowladdu waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Ehelada Dadkii halkaas ku geeriyooday, waxayna caafimaad degdeg ah u rajaynaysaa muwaadiniinta ku dhaawacmay. Falkaasi wuxuu ahaa mid nasiib darro ah oo laga baaqsan karayay.

Waxaan ugu baaqaynaa Maamulka Somaliland in ay u turaan Shacabka deegaankaas iyo in la dhageysto lana ixtixraamo dareenkooda, isla markaana si masuuliyad leh loo xaliyo tabashada Shacabka, lagana dheeraado ficil kasta oo xaaladda uga sii dari kara.

Dowladdu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Ganacsatada, Haweenka, Dhalinyarada iyo guud ahaan Shacabka Gobolka Awdal in ay muujiyaan deganaan, lana joojiyo ficilada waxyeeleynaya nabadda iyo xasiloonida magaalooyinka iyo Bulshada ku nool intaba, isla markaana wadahadal loo maro xal u helista xiisadda taagan.

Dowladda Federaalka ah waxay diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato taakuleynta Dhaawacyada culus ee u baahan gargaar caafimaad.