Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sweden u fadhiya Soomaaliya, Mudane Hans Henric Lundquist.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Xiriirka Laba geesoodka ah iyo Iskaashiga Labada Dal ee dhinacyada Difaaca iyo Amniga, iyadoo la isla soo qaaday arrimo muhiim u ah danaha Wadajirka ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Sweden.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta Iskaashiga Labada Dal.
Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay Kaaliyaha Taliska Ciidanka XDS Sarreye Gaas Maxamed Cali Bariise.

