Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya MudaneĀ Abdisalam Ali, ayaa magaalada Qaahira kulan laba geesood ah kula yeeshay Mudane Mohieldin Salim, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Suudaan, iyadoo kulanka uu dhacay intii lagu guda jiray Kalfadhiga 166-aad ee Golaha Jaamacadda Carabta.
Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Suudaan, iyo sidoo kale xaaladaha iyo horumarrada gobolka.

