Belgrade(Wargeyska Dalka)–Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa Magaalada Belgrade Dalka Serbia kulan kula yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Serbia Mudane Marko Đurić, Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta Xiriirka iyo Iskaashiga u dhexeeya Labada Dal.
Wasiirka waxaa Kulanka ku wehelinayay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Dalka Serbia, Mudane Maxamed Cabdullaahi.
Labada Wasiir ayaa kulankooda ku qaadan dhigay sida loo ballaarin lahaa wada hadalka siyaasadeed iyo Iskaashiga dhinaca Ganacsiga, waxayna isla qaateen in ay sii wadaan wadatashiyada ku saabsan arrimaha iyo danaha wadajirka ah kuwaas oo ay wadaagaan Labada Dal Ee Soomaaliya iyo Serbia.

