Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo iska kaashanaya Soomaaliya Cagaaran

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Al Maqzuumi oo booqasho rasmi ah ku joogta dalka Qatar ayaa sii wadda kulamo gaar gaar ah oo ay la qaadaneyso Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Waddankaas iyadoo kala hadleysa sidii dowladda Qatar gacan uga geysan lahayd wax ka qabashada culeysyada ka dhashay isbadalka Cimilada ee dalkeena ka jira.

Wasiir Khadiijo oo ka warbixineysay Qorshaha is kaashiga labada dowladood ayaa tiri” Fursad ayey inoo ahayd ka qeybgalka ololeha hindisaha dhir-beerista dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar oo hiigsanaya 10 milyan oo geed. Waa hindisa lamid ah “Soomaaliya cagaaran” oo ay wasaaraddu hirgelineyso, taas oo suuragelineysa inaan isdhaafsanno khibradaha iyo hal abuurrada kala duwan, isla markaasna iska kaashano ka gudbidda caqabadaha taagan ee nabaad-guurka dhulka”.

Dowladda soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii wax looga qaban lahaa is badalka cimilada  iyo xaalufinta degaanka taa oo ay ka dhalatay in nabad guur uu ku dhaco degaanka si taa looga foojignada dowladdu ay ku dhawaaqaday barnaamijka soomaaliyada Cagaaran oo lagu beerayo guud ahaan dalka dhir fara badan.