Cammaan (Wargeyska Dalka)–Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Mudane Senator Mohammad Ishaq Dar.
Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay Xiriirka laba Geesoodka ah iyo Arrimaha ay Labada Dal wadaagaan, iyagoo sheegay sida ay uga go’an tahay xoojinta Iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan, gaar ahaan dhinacyada Diblomaasiyadda, Dhaqaalaha iyo mudnaanta Horumarinta Bulshada.

