Qaahira(Wargeyska Dalka)–Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa Kulan Laba geesood ah la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Badr Abdelatty, Kulanka ayaa dhacay intii uu socday Kalfadhiga 166-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta ee Magaalada Qaahira.
Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta Xiriirka iyo Iskaashiga Labada Dal, iyo sidoo kale xaaladaha iyo Horumarrada Gobolka.
Waxay Laba Mas’uul mar kale Carabka ku adkeeyeen sida ay uga go’an tahay ilaalinta Qarannimada, Midnimada iyo Madax Bannaanida Siyaasadeed ee Labada Dal, iyo inay is Garab istaagaan marka la joogo Matalaada Fagaarayaasha Caalamiga ah.

