Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo Dhiggiisa Dalka Masar, Badr Abdelatty, ayaa Talaadadii khadka Taleefanka wada-hadal ku yeeshay, iyagoo diiradda saaray xoojinta Xiriirka Laba-geesoodka ah iyo isbeddelada Amni ee ka dhacaya Gobolka Geeska Afrika, wuxuuna dhiggiisa uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Dowladda Masar ay la garab taagan tahay Soomaaliya,
islamarkaana wuxuu xaqiijiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay xiriir iyo wada-shaqayn dhow la yeelato Xukuumadda Qaahira, si loo xoojiyo Iskaashiga labada Waddan loona xaqiijiyo danaha wadaagga ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Abdelatty, ayaa mar kale ku celiyay taageerada adag ee Xukuumadda Qaahira ay u hayso Midnimada, Madax-Bannaanida iyo bedqabka dhuleed ee Soomaaliya. Wasiirka ayaa si cad u sheegay in Dalkiisu uu ka soo horjeedo tallaabooyin kasta oo halka dhinac ah oo wax u dhimi kara Madax-Bannaanida iyo Wadajirka Dhuleed ee Soomaaliya.
Wasiir Abdelatty ayaa xusay in Masar ay ka go’an tahay xoojinta Iskaashiga istaraatiijiyadeed ee ay la leedahay Soomaaliya, isla markaana ay sii wadi doonto taageerada dadaallada lagu tayeynayo Hay’adaha Dowladda, gaar ahaan dhisidda awoodda la-dagaallanka Argagixisada iyo Xagjirnimada.
Wasiirka Dowlad Masar ayaa ku baaqay in Maalgelin waarta loo helo hawlgalka cusub ee taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, isagoo xusay qayb-galka Dowladda Masar ee hawlgalkaas, wuxuuna tilmaamay in hawlgalka Midowga Afrika iyo kan Qaramada Midoobay ee taageera Soomaaliya ay tahay in la sii wado, isla markaana Dhaqaale ku filan la siiyo, si ay gacan uga geystaan ilaalinta Amniga, Xasiloonida iyo Midnimada Soomaaliya.

