Dowladaha Caalamka oo si taxadar leh u soo dhaweeyay heshiiska cimillada ee Mareykanka iyo Shiinaha

Dadka u Dhaqdhaqaaqa isbadalka cimilada iyo siyaasiyiinta ayaa si taxadar leh u soo dhaweeyay heshiiska lama filaanka ah ee Mareykanka iyo Shiinaha ay ku doonayaan inay sare u qaadaan iskaashiga cimilada tobanka sano ee soo socda.

Dhinaca kale Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ayaa tallaabadaan ku tilmaamay mid dhiirri-gelin ah, balse hey’adda Greenpeace ee deegaanka waxay sheegtay in labada waddan looga baahan yahay inay muujiyaan dadaal dheeraad ah.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping ayaa la filayaa in horaanta toddobaadka soo socda ay yeeshaan kulan dhanka farsamada ah oo lagu gorfeynayo arrimahaasi.

Saynis yahanadu waxa ay sheegeen in yareynta ama xadidaadda heerkulka caalamiga ah ee kor u kaca ilaa 1.5C ay ka caawini doonto bini’aadanku in ay ka fogaadaan saamaynta cimilada ugu xun.

Maraykanka iyo Shiinaha waa labada dal ee sida aadka ah u isticmaala warshadaha sii daaya qiiqa kaarboonka ee sumeeya hawada.