Dowlada FS oo ku guuleysatay heshiisinta laba beelood oo ku dagaallantay Gedo

Taliyaha guutada 10-aad ee Ciidanka XDS gobolka Gedo, G/ sare Warfaa Sh. Aadan Faroole, Guddoomiyaha Degmada Dooloow Soomaaliya Cali Faarax Mire, guddoomiye degaanka Boholgaras Ibraahin Cabdi Madoobe (kaadari ) Taliye ku xigeenka Ciidanka Nisa ee Degmada, Xasan Maxamed Salaad ayaa degaanka Aboorre ee Degmada Doolow kaga qeyb galay shir lagu dhamaystirayay heshiisyadii dhawaan ay gaareen beelihii ku degaallamay degaanno hoos taga degmada Dooloow.

Shirka ayaa waxaa goob joog ka ahaa ergo loo xilsaaray dib u heshisiinta labada beelood, ugaasyo, nabad-doonno iyo waxgarad ka kala socday labada beelood ee halkaas ku dagaallamay.

Guddoomiye Degmada Dooloow Soomaaliya ,Cali Faarax Mire guddoomiyaha degaanka Boholgaras Ibraahin Cabdi Madoobe iyo Taliye Warfaa ayaa ugu baaqay dhamaan bulshadii ka barakacday dagaalladii u dhaxeeyey labada beelood in ay dib ugu soo noqdaan degaanadoodii hore.