RUWANDA Ruwanda oo ah dal aad u yar ayna la dageen colaado ku dhisan qabaailo ( Isir sifayn) ayaa maanta u muuqda dal loo soo qaato tusaale dhanka amni wanaaga iyo horumarka , taasoo ku timid kadib markii ay dejiyeen qorshayaal iyo istiraatijiyado lagu wajahayo amnidarada, ayna mideeyeen oo si xoogan udhiseen hay`adahooda amniga ayna hawlgaliyeen si dhab ay oo mas`uuliyadi ku jirto .
Sanadihii la soo dhaafay, Rwanda waxay ku hawlanayd hawlo kala duwan ee dib u haybanta booliska badbaadada bulshada si loo hubiyo in qofkasta uu qayb firfircoon ka yahay ka jawaab celinta, la dagaalanka iyo ka hortagga dembiyada iyo sidookale taageeridda barnaamijyada horumarinta bulshada ee dawladdu wado si loo hagaajiyo daryeelka bulshada. Si taas loo gaarana Ruwanda waxay kor u qaaday fikradda iskaashiga booliska iyo dadweynaha si loo dhiso xiriir adag oo lahaanshaha, kalsoonida iyo aaminaada.
sidaas darteed, Rwanda waxay sii waday inay dhisto awooda iyo cududa kala duwan ee booliska, sidoo kale waxay xoojisay iskaashiga ay hay`adaha amnigu ay la leeyihiin daneeyayaasha muhiimka ah sida Mutadawiciinta Dhallinyarada Rwanda ee Booliska Bulshada, naadiyada ka hortagga dembiyada, dembiyada Safiirada, ururada diinta, shirkadaha gaadiidka iyo ururada, hay’adaha dawladda, hoggaamiyeyaasha maxalliga ah, hay’adaha gaarka ah, si ay si wax ku ool ah uga qaataan khataraha amniga ee is-beddelaya iyo kuwa soo baxaya.
Ruwanda waxa ay howlgalisay in ka badan 14000 ee unug talefoon oo la siiyey madaxda xaafadaha si ay u sahlanaato wadaaga xogaha, waayo Wada-shaqeynta booliska iyo shacabka ayaa ah mid ka mid ah laf-dhabarta amniga iyo amaanda ay haystaan bulshada ree Ruwanda ee dalkooda hadda jirta. Dhaqdhaqaaqyada booliska bulshada ee waxtarka leh ayaa soo bandhigay saameyn togan oo lagu dhimayo dembiyada ka dhaca xaafadaha, horseedayna inay kor u kacdo tayada nolosha ayna yaraato cabsida faldambiyeedyo dhaca. Guushaas waxay shacbaka ree Ruwanda ku gaareen markay hawlgaliyeen fikrado isku dhafan, dadaallo aan loo kala harin , agabka booliiska iyo tababaradooda oo kor looqaaday iyo sidoo kale xirfadaha shaqo ee shaqaalaha dawladda hoose iyo xubnaha bulshada booliska .
Dhammaan xeeladaha kor ku xusan ee ay dhaqan galishay Ruwanda waxay dad badan ka weecisay inaysan ku dhiiran inay dembi galaan, waxaana ugu wacan hirgalinta barnaamijyada bulshada booliska oo si wacan u shaqeeyey iyo inay kor u kacday kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan hay’adaha amniga. Hawgalinta bulshad boolisku waxay ka caawisay dalka Ruwanda inay si degdeg ah loo ururiyo macluumaadka kiisaska dembiyada la galo iyo in ciidanka boolisku si fuduf usoo qabto la tuhunsanayaasha iyo kuwa ku hawlan arimo amni daro .
Talaabooyinka kor ku xusan ee ay hirgalisay ayaa u horseeday Ruwanda inay noqoto maanta dal nabdoon oo ammaan ah, oo soojiitay indha bulshada caalamka , iyo dal marti galiya shirar leh heerer kala duwan iyo maaligashi xoogan. Si kastaba ha ahaatee, Ruwanda waxay sii wadaa ladagaalanka dambiyada kale sida ka ganacsiga daroogada, tahriibinta, Galmada iyo Rabshadaha Ku Salaysan Jinsiga, kuxadgudubka carruurta, waxaana u qorshaysan inay ka miro dhaliso gaarita yoolkeeda ah inla gaarsiiyo Ruwanda heerka ah deegaan aan dambi lahayn.
Mahaddanidiin
WQ: Axmed Suudaan
Lataliyaha koowaad
Somali embassy Khartoum- Sudan.