Doorashadii ugu horeeysay ayaa dhacday 6-dii juuliyo 1960-kii waxaa loo doortay inuu Dalka hogaamiyo mudane Adaan Cabdulaahi Cusmaan daar ,kana tirsanaa xisbigi Leegada ee SYL ayaa ku guuleystay aqlabiyadda ugu badan ee codadka doorashada ayaa Ku dhisneed xisbiyo deegaan doorasho, waxaana dooranayay golaha xildhibaanada Qaranka.
sida ku dhigan sooyaalka taariikhda soomaaliya Aadan Cadde ayaa loo Aqoonsaday madaxweynahii ugu horeeyay ee dalka hoggaamiyo ka dib markay soomaaliya Dhidibadda u taagtay xornimadeeda daleed.
Doorashadii madaxweynahii 2-aad ee dowladda somaaliya oo muddo xileedka ahayd lix Sano waxaa la qabtay 10-kii juun 1967-kii Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ahaa ra’iisul Wasarahii Aadan Cadde ayaa ku guuleystay,waxaana dooranaayeey golaha xildhibaanadda Qaranka.
labo sano oo ka arimiyaay dalka ayuu booqasho rasmi ku tagay magaaladda laas Caanood ee gobalka sool xilligaas oo dalka ka jirtay abaaro sameeeyay Noolashada Bulshada soomaaliyeed,15-kii octoobar 1969 warar aya baahisay raadiyow Mogdishu ayaa Lagu sheegay in askari ka tirsan ciidamadda qaranka oo ahaa ilaaladda Qaaska ee Madaxweynaha si’ bareer ah u toogtay una geeriyooday madaxweynaha.
Markii duugtii madaxweynaha dhamaatay golahii dhaxe ee leegada [SYL]waxuu galay Wadatashi ah qofkii badeli lahaa madaxweynaha la dilay ,waxaa lagu hishiiyay si’ Waafaqsan dastuurkii 1960-kii faqradiisa 74-aad in gole shacab ah la dhiso ka dibne la Doorto madaxweyne cusub oo dalka hogaamiyo .golaha waxay ku balameen 21-ka in la Qabto doorashada, balse nasiib darro arintaas ma dhacin waxaa aroortiiba magaaladda Madaxda -dalka iyo dalka intiisa kale qabsatay askar ka tirsan ciidanka qalab sida oo isku Magacawday golaha sare ee kacaanka ,ayaa laalay dasturkii ,awood laanta fulinta ee Golaha Shacabka iyo dhamaan xisbiyadda siyaasadeed .
21-ka octoobar 1969 soomaaliyaa yaa cagaha la gashay xukun kaligii -talisnimo uu Hogaaminayay Maxameed Siyaad Barre ,dal aan ka jirin sharci iyo mid xisbiyo Siyaasadeed oo kala aminsan afkaar kala geddisan waxay fajac ku noqotay siyaasiinta sida Qarsoon ugu fakir duwaneed golaha sare ee kacaanka ka dib markay ku dhawaqeen Doorasho hal xisbi kaliya oo u tarmaya 23-kii diseembar 1989-kii .doorasho oo u Tartamay kaliya madaxa golaha sare ee kacanka ayaa isku caleema saaray madaxweynimo.
Markay dhacday musiibadii keentay bur burkii dowladnimada ee soomaaliya waxaa dalka Ka kacay dagaalo sookeeye iyo jabhado qabaa’ilo ku dhisnaa oo hubeysan ,bulashada Rayidka oo horbodayaan duubabka qabaa’ilada waxay racdo u galeen soo celinta Nidaamka-dowladnimo ee jamhuuriyadda soomaaliya .shiraar fara badan oo lagu kala Qabtay meelo ka baxsan dalka gudahiisa iyo dibaddisa ayaa lagu guuleystay in lagu soo Dhiso dowladdo ku meel geer-ah looga magac daray dowrkaan waxaa qeyb lixaad ka Ciyaaray odey dhaqameedka soomaaliyeed.
Bishii maarso 1991-kii magaaladda Djabuuti doorasho lagu qabtay ayaa Cali Mahdi Maxamuud si’ ku meel-gaar ah looga doortay madaxweynimo ,ha yeeshee laguma guuleysan in Dalka laga saaro marxaladda ku meel-gaar ka sababtoo ah ma jirin gole shacab ah oo Beelaha soomaaliyeed lagu matalo ,dhamaan waxaa burburay dib u heshiinta qabaa’ilada Soomaaliyeed taaso keentay in reer galbeedka oo isku raadinaayay bulshada kala Irdhootay u aqoonsatay 1992-kii dal nidaam -dowladkiisu dhicisobay ilaa 2000.
20 agoosto 2000 waxa lagu guuleystay in la dhiso dowlad ku meel-gaar ah,kulamo miro Dhalay oo soo socdaay taniyo burburkii dowladnimada somaaliya,magaaladda carta ee dalka djabuuti waxaa lagu Soo dhisay gole shacab ah oo garaya 245 xubnood oo ay u dhanyahiin qabaa’iladda Bulshada soomaliyeed waxaana soo xulaayay oday dhaqameedyada .26-kii agoosto 2000 Ayaa lagu soo doortay madaxweyne Cabdi Qaasim Xuseen waxaana dooranayay golaha Barlamaanka ku meel-gaarka .
Markay dhamaatay muddo xileedka sharciga ahaa ee golahii la dhisay 2000,20-kii agoosto 2004-ta gole kale oo cusub ayaa lagu soo dhisay embakaati ee dalka kenya oo xilheyntu Ahayd afar sano oo ay soo xuleen odey dhaqameedyada .tiradda golaha embakati lagu Dhisay waxay garaayeen 275 xildhibaan .waxayna soo doorteen madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed ,
Muraan iyo khilaafyo ayaa hareeray dowladdi lagu soo dhisay embakaati oo ku sabsaneed Habka loo maray dhismaha golaha shacabka iyo beelo qaar oo tirsanaayay dulmi,waxay Sababtay in goleha tiradooda la kordhiyo lagana dhigay 550 xubnood ,oo beel walba ay iska arki karta dowlad dhiska.
Dowladdii ku meel-gaarka ee la soo dhisay 30-kii janaayo 2009 waxaa loo doortay Madaxweynimo mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaana dooranayey golaha Barlamanaka oo tiro ahaan ka koobnaa 550 xubnood,gudashada waajibadka qaranka waa Mid saraan ruuxa loo dhariyo qabashada xilka madaxweynimo .marka la fiiriyo Doorashooyinka lagu soo doortay ilaa afar madaxweyne ayaa lagu soo doortay meel ka Baxsan wadanka gudahiisa ayaado loola gol lahaa soo celinta nidaamka dowladnimo ee Jamhuuriyadda soomaaliye.
Shariif Axmed ayaa dalka gaarsiyay in lagu qabto doorasho Taaso laguna soo doortay Xasan Shikh Maxamuud 10-kii seteembar 2012-kii waxaana Dooranayay 275-xildhibaan .soomaliyaa ayaa ka baxday marxaladda ku meel-gaarka Taaso keentay in nuuc ka mid ah federaalka la qaado lana dhiso maamul gobaleedyo Dowladdi Xasan shikh waxay ku guuleystay dhisidda shanta maamul gobaleed ,maamul Kastana laga soo doorto 54- senetor .
8-da febraayo 2017-kii teendhada afishiyooni ayaa lagu doortay mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaana dooranayey labadda aqal ee barlamaanka oo ka kooban 54- Senator iyo 275 xildhibaan .
15-kii maayo 2022 Xasan Shiikh Maxamuud ayaa mar kale lagu Soo doortay teendhada afishiyooni,teendhada afishiyooni ayaa lagu qabtay in ka badan Saddex doorasho .xasan sheekh ayaana dhigay rikoor cusub taaso ah inuu noqday madaxweyne mar kale xilka madaxweynimo lagu amaanay.
WQ: C/raxiim Jimcaale