Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ku qabtay doorashada kursiga Hop#154.
Kursiga doorashadiisa ayaa waxaa ku guuleysatay Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla , kadib markii ay tanaasushay Musharaxii kale ee la tartamaayey oo ah Nasteexo Maxamed Yuusuf.
Sareeda ayaa heshay dhamaan cododkii ergadii soo xaadirtay goobta, iyagoo kalsoonida kusiiyay qaab gacantaag ah.

