Doorashada qaar ka mid ah kuraasta xildhibaannada golaha shacabka Soomaali-Land oo maanta dhacaysa.

Guddiga doorashada kuraasta gobollada Woqooyi ee Soomaaliland ayaa maanta Muqdisha ku dooranaya 9 kursi oo ka mid ah golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Khadra Maxamuud Raage ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop 247ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Sidookale, Cabdiraxmaan Axmed Suge ayaa isna ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop 245 ee golaha shacabka BJFS, iyadoo ay weli socoto doorashada qaarka kale ee la filayo in ay maantaba ay soo baxaan.

Dhammaan xubnaha ku matala Gobollada waqooyi iyo kuwa banaadiriga ah Baarlamaanka JFS ayaa lagu wadaa inay doorashadooda ku qabsoonto caasimadda Muqdisho, halka kuraasta gobollada kale loo asteeyey in doorashadooda ay ka dhacdo min labo deegaan doorasho.