Doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo lagu qabanayo Beledweyne

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan waxaa maanta oo arbaco ah lagu wadaa in lagu qabto doorshada laba kursi oo kamid ah kuraasta xildhibanada Golaha Shacabka ee taallo halkaasi.

Doorashada labadan kursi oo ahayd balanta in la qabto shalay ayaa dib u dhacaday, waxaana kuraasta doorashadooda la qabanayo ay kala yihiin Hope011 iyo Hope063 iyadoo ay kursi kamid ah ku tartami doonaan Musharaxiintii ugu badanaa, magaalada Beledweyne waxaa hada ka soconayo qaban qaabada doorashada labadaasi kursi.