Doorashada kursi kamid ah Golaha Shacabka oo lagu qabatay Kismaayo

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubbaland ayaa Maanta magaalada kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ku qabtay doorashada Kursiga Hop#079.

Kursigaan ayaa waxaa horay loogu doortay oo dhawaana ka geeriyooday Alle ha u Naxariistee Muxamed Maxamed Kuuloow oo ku geeriyooday magaalada Nairobi, waxaana maanta loo doortay Xildhibaan Xassan Budul Cali,doorshada ayaa waxa ku tartamay Xasan Budul Cali iyo Cilmi Barre Cabdi oo tartanka ka tanaasulay

Guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland Dr Siyaad Maxamed Mursal oo natiijada ku dhawaaqay ayaa sheegay in doorashada kursiga Hop#079 oo ku guuleystay Xildhibaan Xassan Budul Cali..