Doorashada Kuraastii Ka Harsanayd Aqalka Sare Oo Ka Socota- Dhuusamareeb!

Magaalada Dhusamareeb ee Caasimada Dowlad gobaleedka Gal-mudug ayaa ka socota qaban qaabada doorashada labo kursi oo ka mid ah Aqalka Sare, kuwaasoo dhawaan uu shaaciyay liiskooda Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa dooran doona Musharaxiinta u tartameysa qabashada labadan Kursi ee ugu dambeeyay golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Labadan kursi ayaa guud ahaanba ugu dambeeyay 54-ka kursi ee uu ka kooban yahay aqalka sare, waxaana horay loo doortay 52 kursi, oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.