Doorashada kuraasta golaha shacabka oo maanta ka bilaabaneysa Garoowe

Shan kursi oo kamid ah xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto Caasimadda dowlad gobaleedka Puntland ee Garoowe.

Guddiga hirgelinta doorashada Puntland, ayaa shalay dhammaystiray diiwaan-gelinta dadka u sharxan Kuraastaas, ee buuxiyay shuruudaha doorashada.

Iyadoo laga anba-qaadaya heshiiskii dhawaan Muqdisho golaha wadatashiga qaranka ay ku gareen ee dhigayay in doorashadda Golaha Shacabka lasoo gabogabeeyo 25-bisha labaad, ayaa waxaa si is daba joog ah u socoto hirgalinta doorshada golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.