Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo lagu qabtay Baraawe

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa maanata degmada Baraawe ku qabtay doorashada Todoba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo kamid ahaa 13-kii kursi ee ugu dambeeya ee doorashadooda lagu qabanayomagaalada Baraawe.

1:Maxamuud Axmed Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-045 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 90-cod halka musharaxii la tartamayey ee Yuusuf Maxamed Cabdulaahi uu heley 8-cod, waxaana halaabay Saddex cod.

2:isaaq Maxamed Maxamuud ayaa isna ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-163 ee Golaha Shacabka BFS isagoo heley codad gaaraya 86-cod halka musharaxii la tartamayey Cabdulaahi Cismaan Ibraahim uu heley 10-cod afar Cod ayaa  halaabay

 

3:Ali Shekh Maxamed Nuur ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-143 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo heley codad gaaraya 90-cod halka musharaxii la tartamayey Cabduqaadir Maxamed Cabdulaahi uu heley 11-cod.

4:Suhuur Xaaji Culusow ayaa ku guuleysatay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-256 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS iyadoo heshay codad gaaraya 87-cod halka musharaxii la tartamaysay Jiijo Axmed Iikow ay heshay 12-cod.

5: calwiya Siid Cabdulaahi ayaa ku guuleysatay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-148 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS iyadoo heshay codad gaaraya 88-cod halka musharaxii la tartamaysay Sacdiyo Maxamed Cabduqaadir ay heshay 10-cod

6: Maxamed Cusmaan Cumar ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-162 ee Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 74-cod halka musharaxii la tartamayey Maxamed Daliib Xasan uu heley 17-cod  afar codna way halawaday

7:Maxamed Cabdala Axmed ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-145 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 76-cod halka musharaxii la tartamayey Cabdulaahi Ahmed Cabdi uu heley 12-cod

Maalinta Beri ah ayaa lagu wadaa in la soo geba-gabeeyo doorashada kuraasta taalla Magaalada Baraawe, waxaana la dooranayaa 6 kursi oo ka harsan doorashada 13-ka Kursi.