Doorashada guddoomiyaha Aqalka sare oo ka billaabatay teendhada Afisyoone

Waxaa hadda ka billowday Teendhada Afisyoone ee magaaladan Muqdisho doorashada Guddoomiyaha Aqalka sare iyo cideynta xildhibaanada.

Waxaa fadhiga soo xaadiray dhammaan xildhibaanada Aqalka sare, waxaana kulanka furay guddoomiyaha ku meel gaalka ah Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab.

Guddoomiye Gaagaab iyo guddiga doorashada ayaa sheegay inay isla maanta soo gabagabeynayaan doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeennadiisa.