Doorashada Golaha Shuurada oo ka bilaabatay Qadar

Doorashada Golaha Shuurada Qadar oo ah tii ugu horreysay oo nooceeda ah ayaa saakay ka bilaabatay halkaas, taas oo ay ku tartamayaan 284 musharrax, kuwaa oo laga dooran doona 30 qof oo kaliyah.

Doorashada Golaha Shuurada Qadar ayaa ka dhaceyso 30 degmo, ololaha doorashadu ayaan ku koobneen goobaha Codbixinta dadweynaha wareegay labaad ayaa sida uu qorsha yahay ka dhacayaa baraha bulshada, halkaas oo noqoneysa fagaaraha lagu falanqeeyo Doorashada Golahan.

Musharaxiintan ayaa waxaa ku jiraan 28 haween ah, kuwaa oo doonaya in ay ku guuleystaan qaar ka mid ah ​​30-kan kursi.

Dardar galinta doorashada Golahan ayaa sida lasheegay ka yimid Amiirka Dawladda Qadar, Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thani.

Ololaha doorashada oo bilaabmay bartamihii Bishii Sebtembar ee tagtay ayaa socotay  muddo laba toddobaad ah, taasi oo maanta si rasmi ah u bilaabatay.