Guddiga maamulka doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Koonfur galbeed ayaà maanta magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ku qabtay doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka BFS.
Kuraasta la doortay ayaa waxa ku guuleystay xildhibanada kala ah
1)-Xildhibaan Axmed Madoobe Nuunow
2)-Xildhibaan Luul Ibraahim Cumar
3)-Xildhibaan Cabdislaan Cali Cabdi
4)-Xildhibaan Maxamed Shekh Cabdulaahi Ciirow
5)-Xildhibaan Cabduqaadir Cumar Macalin
6) -Xildhibaan Saalax Shariif Siid Cali
Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa heer gaba gaba ah marsineyso doorashada Golaha Shacabka, waxaana marka laga reebo lix-da kursi ee manta Baydhabo lagu doortay haray 7-kursi oo lagu dooranayo Magaalada Baydhabo