asiirka baneynaya Xilka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay dood furan oo la xiriirtay iftiiminta khatarta habdhaqanka gurracan ee Imaaraadku ay ku hayaan Qaranka Soomaaliya.
Doodaan oo ka dhacday Xarunta Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho waxaa ka qeybgalay qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowladda,aqoonyahanada dalka,arday iyo martisharaf kale.
Wasiirka waxa uu dooddaasi furan kaga hadlay qodobbo dhowr ah oo ku saabsanaa dhibaatoyinka Imaaraadku ay ku hayaan dadka iyo dalka Soomaaliya,gaar ahaan dhinacyada faragalinta ee siyaasadda,dhaqaalaha,mileteriga iyo arrimaha bulshada.
Wasiirka baneynaya Xilka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS waxa uu sharaxay muhimadda ay leedahay ilaalinta iyo dhowrista madax-bannaanida iyo cawaaqibta ka imaan karta faragelinta Imaaraadku ku hayo dalkeenna.
Wasiir Fiqi “Sanadihii ugu dambeeyay Imaaraadku waxay ka shaqeynayeen dhibaateynta qaranka Soomaaliya iyo inaysan Soomaaliya gaarin wax horumar ah”.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in “Imaaraadku ay xoogga saareen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen deegaanada ugu kheyraadka badan,si ayuu yiri ay uga faa’iideystaan,isla markaana ay u wiiqaan horumarka Soomaaliya.
Wasiir Fiqi “Heshiiyo ay doonayeen Imaaraadku inay dalka ka fuliyaan wax kasta ayaa u diidnay, si aan uga hortagno khatartooda.”

