Maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ku qabatay dood cilmiyeed ku saabsan doorka Qurbo joogta Soomaalida ay ka qaadan karaan difaaca dadka iyo dalka.
Dooddaan oo ay ka soo qeybgaleen qaar kamid ah maamulka wasaaradda iyo qurbo joogta Soomaalida eek u sugan Magaalada Muqdisho waxaa la isku dhaafsaday qodobbo badan oo ay ku jireen sida looga hortagi karo damaca cid kasta oo isku dayda in ay kala dhantaasho madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Kulankii dood cilmiyeedkaan waxaa ka hadlay xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamsa Aadan Xaadoow iyo Agaasimaha Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbo jogta Soomaaliya Ibrahim Guure Maxamed iyo xubno kale.
Kulanka oo inta badan looga hadlay damaca Israel ee kala goynta dhulka Soomaaliya waxaa qaar kamid ah qurbo joogta oo soo gudbiyay doodooda ay muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin in ay dalka ku difaacaan af,addin iyo maal.

