Dood-cilmiyeed ku Saabsan Mustaqbalka Garaad Gacmeedka Soomaaliya (AI) oo Muqdisho lagu qabtay

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed (SNAIC) ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) ayaa qabatay kulan dood-cilmiyeed ah oo looga hadlay arrimaha mudnaanta u leh horumarinta Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Kulanka dood-cilmiyeedka ayaa isu keenay wakiillo ka socday jaamacadaha, shirkadaha teknoolojiyadda iyo hay’ado kale, si ay u wadaagaan aragtiyo ku saabsan xoojinta aasaaska Garaad Gacmeedka Soomaaliya iyo horumarinta hannaan isku-dubbaridan oo lagu hormarinayo Garaad Gacmeedka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray shan arrimood oo muhiim u ah horumarinta Garaad Gacmeedka Soomaaliya, kuwaas oo kala ahaa dhisidda xarumo ama xafiisyo u gaar ah Garaad Gacmeedka; dejinta siyaasado hagaya adeegsiga mas’uuliyadda leh ee Garaad Gacmeedka; kor u qaadidda Aqoonta Garaad Gacmeedka; soo saarista khubaro Soomaaliyeed oo heer sare ah; iyo horumarinta xalal maxalli ah oo ku saleysan Garaad Gacmeedka, loogana faa’iidaysto caafimaadka, beeraha, waxbarashada iyo ganacsiga.

Dr. Maxamed Sh. Aadam Isaaq, Agaasimaha Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed (SNAIC), ayaa tilmaamay arrimaha mudnaanta leh ee loo baahan yahay si loo xoojiyo aasaaska Garaad Gacmeedka ee Soomaaliya.

“Si loo dhiso mustaqbalka Garaad Gacmeedka dalkeenna, waxaa loo baahan yahay in la maalgeliyo horumarinta khubaro heer sare ah, la xoojiyo Aqoonta Garaad Gacmeedka, lana dhiirrigeliyo adeegsigiisa mas’uuliyadda leh, Waxaana sidoo kale muhiim ah in hay’aduhu horumariyaan xalal ka jawaabaya baahiyaha iyo mudnaanta Soomaaliya,” ayuu yiri.

Prof. Fuaad Mire Xasan, Guddoomiye Ku-xigeenka Qorsheynta iyo Horumarinta ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, oo furay kulanka, ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan isku-dubbaridan iyo iskaashi xooggan oo dhex mara daneeyayaasha muhiimka ah.

“Horumarinta Garaad Gacmeedka dalkeenna waxay u baahan tahay dadaal isku-dubbaridan. Jaamacadaha, dowladda, ganacsiyada iyo hay’adaha kale mid walba wuxuu leeyahay door muhiim ah, waxaana lagama maarmaan ah in la xoojiyo iskaashiga ka dhexeeya si kor loogu qaado awoodda jirta, loo xoojiyo hay’adaha, loona horumariyo xalalka looga baahan yahay mustaqbalka Garaad Gacmeedka Soomaaliya,” ayuu yiri Prof. Fuaad.

Intii uu socday kulanka dood-cilmiyeedka, ka qaybgalayaashu waxay ka doodeen doorka jaamacadaha ee soo saarista khubaro ku xeeldheer Garaad Gacmeedka iyo dhiirrigelinta jaamacadaha iyo shirkadaha inay sameystaan xarumo ama xafiisyo u gaar ah Garaad Gacmeedka. Waxa kale oo laga hadlay baahida loo qabo olole lagu ballaarinayo Aqoonta Garaad Gacmeedka, laguna barayo bulshada adeegsiga habboon ee mas’uuliyadda leh, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay in hay’aduhu yeeshaan siyaasado hagaya adeegsiga Garaad Gacmeedka, oo ay ku jiraan ilaalinta xogta, anshaxa iyo isla-xisaabtanka.

Kulanka dood-cilmiyeedka ayaa lagu soo gabagabeeyey talooyin iyo qeexidda masuuliyadaha daneeyayaasha, kuwaas oo saldhig u noqon doona qoraal siyaasadeed (policy brief) oo lala wadaagi doono Dowladda Federaalka Soomaaliya, hay’adaha tacliinta sare, hay’adaha kale iyo ganacsiyada. SNAIC waxay isku dubbaridi doontaa dabagalka talooyinka kasoo baxay kulanka.