Diyaarad siday gargaar loogu talo galay dadkii waxyeelada ka soo gaartay duufaantii GATI oomaanta gaartay magaalada Boosaaso .

Diyaarad siday gargaar loogu talo galay dadkii waxyeelada ka soo gaartay duufaantii GATI ayaa maanta gaartay magaalada Boosaaso .

Deeqdan oo ka timi dowlada talyaaniga ayaa waxaa garoonka Boosaaso geeyay diyaarad xamuul oo weyn.

Shixnadan ayaa ka kooban agabka wax lagu cuno,daawo iyo waxyaabo kale oo duruuri ah .

Wasiirka arimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan dhabancad ayaa sheegay in ay dowlada talyaaniga uga mahadcelinayaan kaalmada.

Wasiirku wuxuu sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo gaarsiin lahaa dadka mudan ee baahida daran u qaba kaalmadan