Diyaarad ay leedahay shirkadda Tara Air oo la waayay

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka Nepal shil diyaaradeed ayaa ka dhacay sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dalkaas.

Diyaarad nooceedu yahay 9N-AET Twin Otter oo ay leedahay shirkadda Tara Air oo ka duushay magaalada Pokhara ayaa la waysan yahay,diyaaradan ayaa siday 22 qof kuwas oo kala ahaa 19 oo rakaab ah iyo 3 qof oo ahaa shaqaalaha diyaaradda.

Fanindra Mani Pokharel, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha dalkaas ayaa wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu u sheegay in howlgalo baadi goob iyo samata bixin ah la bilaabay,isagoo sidoo kale sheegay in diyaaraddu ay lumisay xidhiidhkii subaxnimadii Axadda ka dib markii ay ka kacday garoonka.