Dilaaga qarsoon wuxuu ka qatar badan yahay dilaaga aan qarsoonayn, sidaasi darteed, dilaaga qarsoon wuxuu u baahan yahay feejignaan iyo taxadar dheeraad ah.
Waxaa jira dilayaal qarsoon oo Soomaalida badan kood aysan garanayn ama aysan ku dhiiranayn kuwaasi oo aad u qatar badan kana qatar badan waxyaabo kale oo ay dadku qatar u arkaan iskana ilaaliyaan sida argagixisada iwm.
Daawada iyo Cuntada ama Raashinka dhacay waxay ka mid yihiin dilayaasha qarsoon ee dhibaatada ku haya bad-qabka iyo caafimaadka bulshada Soomaaliyeed.
Waxaa jira ganacsato ka ganacsada arrintaan foosha xun waliba iyagoo og ayay Soomaaliya u dhoofiyaan si lacag ay uga sameeyaan.
Falkaan kaligii danaystanimada ah ee aan la fiirinayn maxaa bulshada dhibaata ah ee ka soo gaarikara waxaa caado ka dhigtay shaqsiyaad dhiig-miirato ah oo ganacsato isku sheeg ah sababtoo ah ganacsade waa qofkii bulshada u keena adeeg wanaagsan, una qidmeeya si loo kala faa’idaysto laakiin haddii loo keeno daawo dhacday ama raashin dhacay, taasi waa qiyaano waxaadna qatar galinaysaa noloshooda iyo caafimaad qabka bulshada.
Soomaaliya oo xorriyadda qaadatay 1960-kii isla xiligaana samaysatay dowlad waxaa la’ilaalin jiray tayada alaabta dibadda laga soo dhoofiyo sida daawada, raashinka iyo dharka, kadib markii dowladdii Soomaaliya bururtay 1991-dii, waxaa gabi’ahaanba ka baxay halkaasi dowladd wax kontoroosha muddo dheer oo ay socdeen dagaalo sokeeye illaa hadda oo dowladnimada Soomaaliya ay soo kabanayso ma jirto kontorool sax ah.
Waxaa jirta hay’adda tayadhowrka waxyaabaha dibadda laga soo dhoofiyo ama dalka gudihiisa lagu sameeyo. Haayadaan waa haayad dowli ah waxaana looga baahan yahay inay ilaaliso tayada walxaha dalka soo gala sida cuntooyinka iyo daawada.
Dowladnimda oo soo kabasho ku jirta owgeed waxaa jira gaabis ka jira hay’adaha dowladda, hay’adda tayadhowrkuna waxay ka mid tahay kuwaas wali baahi looga qabo gudashada waajibkooda sababtoo ah dad badan oo Soomaaliyeed ayaa ku xanuunsanaaya daawo dhacday oo la siiyay ama raashindhay oo ay cuneen.
Ugu danbayn, ganacsatada Soomaaliyeed waa inay iska ilaaliyaan inay bushada Soomaaliyeed u keenaan ama ka iibiyaan daawo dhacday, raashin dhacay iyo wixii lamid ah si ay lacag uga sameeyaan, dhanka dowladdana waxaa looga baahan yahay didaal dheeri ah oo ay ku dhowrayso tayada waxyaabaha daruuriga ah ee dalka dibadiisa laga keeno ama gudihiisaba lagu sameeyo.
WQ: Muuse Cabdnuur Maxamuud