Dad badan oo Shacabka Soomaaliyeed ka mid ah, ayaa laga yaabaa in Magaca khawaarij uu ku cusub yahay oo aynaan horey u maqal haday maqleena aysan aqoon micnaha waxa loola jeedo khawaarij. Micnaha khawaarij waa kuwa banaanka ka jooga diinta islaamka ee xaniifka ah, waa duul banaystay wax walboo Ilaahay xarrimay, sidaa dardeed, wax shaqo ah kuma lahan diin islaam oo dibad joog ayey ka yihiin, waxaa u fudud in muslimiinta si micno la’aan ah u dilaan, xoolahooda u dhacaan, sharafka iyo karaamada dadka ku xad gudbaan, waa koox aaminsan in dadka ay ka dhigaan kuwo u wada hogaansan oo ku qasban wixii ay usheegaan kaliya inay qaataan, wixii ka hor imaadana si fudud nafta u dhaafiyaan xoolahooduna ay u xalaalaystaan.
Ma ahan dad ogol in lala doodo, oo aaraa lays dhaafsado qofkii isku dayana waxaa meel u taala murtad baa tahay iyo in qoorta loo dheereeyo, kaaga darane iyagoo sameynayo intaas oo xumaan iyo xadgudub ah ayaa hadana waxay ku leeyihiin camalkan aan sameynayno Alle ayaan ugu dhawaanaynaa! waa yaabe ruux muslim ah dilkiisa miyaa Alle loogu dhawaada? xoolo islaam oo la xalaalayso miyaa Alle loogu dhawaadaa? Diintoo lagu xadgudbo miyaa Alle loogu dhawaadaa? Sharafka iyo Caqliga Ummadda oo lagu xadgudbo miyaa Alle loogu dhawaadaa?.
Jawaabaha Su’aalahaas iyo kuwo kaloo badan markaad u dhaba gasho una fiirsato waxaa kuu soo baxaya inay yihiin qolo naftooda u qurxisay camal shaydaan kaasoo ka tuuray haadaan ay adagtahay kasoo laabashadiisa, waayo waxa ay khawaarijtu sameynayso ma ahan wax ay aqbali karto maskaxda fiyow ee aadanaha Alle ku rakibay ee shaqeysa. Mar haday saa tahay sidee ummad islaam ah boqolkiiba boqol, sunniyiin wada ah uga dhex noolaan karaan dad aaminsan fakirkan gurracan ee shaydaaniga ah? ma dhici karto in loo dulqaato waxa noocaas ah, dadka soomaaliyeedna waxaa ku waajib ah inay u istaagaan iska sifeynta wuxuushtan hororka ku ah naftooda, maalkooda una diidan horumarka iyo dowladnimo hanaqaada.
Khawaarijtu magac ahaan wey fara badan yihiin balse hadduu Alle ogolaado waxaan ka tilmaami doonaa wixii Alle (SWT) ina waafajiyo si aan u gaarsiino ummadda soomaaliyeed ee boqolkiiba boqol muslimka ah ee khawaarijtu maanta banaaneysteen dhiigooda, maalkooda, iyo waliba sharafkooda, si ay uga digtoonaadaan dhibaatada iyo hagardaamada joogtada ah ee ay ku hayaan kuwa usoo xirtay shaatiga diimeed si ay u qaldaan umadda Soomaaliyeed una xalaaleystaan naftooda iyo xoolahooda.
Magac khawaarij ma ahan mid cusub, waligood ayey jiri jireen balse waxaa laga yaabaa in waqtiyada ay joogaan ama ay kusoo aadaan ay isla badalaan, waxaa dhici karta in wadanka ay waligood joogeen kuwo aamisan fikirka khawaarijta laakiin aysan heysan tabar ay wax ku haleeyaan ama ay qeybba ka ahaayeen dilalkii iyo dhibaatadii wadanka ka jirtay iyagoo qarsoon ama isticmaalaya magacyo kale ileen itaal darada jirtay awgeed cid baareysay majirine.
khawaarijtu dhaqamadooda waxaa ka mid ah waa jaanis gaad mar walbo waxay ku bulaalaan oo ay ku tarmaan meelaha ay ka jiraan fursadaha wax lagu qarbudi karo ee aan qaran ahaan iyo shacab ahaanba dadkeedu aysan isuraacsaneyn sidaas ayeyna fursad ugu heleen in dalka ay ku faafaan muddadii kala daadsanaanta dadka ka jirtay waxaana usuura gashay inay ka sameeyaan wax walbo ay rabeen.
Waa Alle mahaddii, in maanta lawada fahmay dowlad iyo shacabba ayna wada go’aansadeen sidii layskaga xoreyn lahaa dhibkooda iyo dhaqamaddoda qalafsan ee aan naxriista laheyn, waxaana hubaal ah mar haddii dowladeenu xoogeysatay shacabkiina kusoo jeestay ayna fahmeen waxa ay wadeen khawaarijtu inay ahaayeen wax ka fog diinta islaamka iyo dhaqanka suuban ee umadda soomaaliyeed astaanta u ahaa, mar haddii intaa laysku helayna lagama yaabo in khawaarij kusii noolaato Soomaaliya, waxaana inoo muuqata ifafaalaha inay ku jiraan maalmahoodi ugu dambeeyey.
Khawaarijtu ma ahan wax hadda uun soo bilowday, horey ayey u jirtay dunidana usoo martay, horey waxay usoo laayeen qaar ka mid ah asxaabtii rasuulka kuwooda ugu waaweynaa uguna fadliga badnaa, sida Cusmaan bin cafaan iyo SayidCali Ilaahay haka wada raali noqdee oo lawada ogyahay qiimaha ay lahaayeen iyagoo kamid ahaa afartii khulafaa u raashidiin, islamarkaasna safka hore kaga jiray tobankii saxaabi ee iyagoo nool jannada loogu bishaareeyey, waxaa intaa ka daran khawaarijtu waxay aaminsaneyd in dilkooda Alle ugu dhawaanayaan!.
Qofka markuu maankiisu meel baas u jaheysto waa majnuun aan waxba kala ogeyn, muslimbaa dilayaa, maalkiisan dhacayaa, maatadan laynayaa, marasta iyo masaakiinta ayan xasuuqayaa, dilkooda ayan ilaahay ugu dhawaanayaa waa waxyaabo aan ku fakiri karin ruux Islaamnimo iska daaye xitaa Insaannimo ku jirto, dhaqannimada noocaas ah waxaa ku sifoobay oo astaan u ah khawaarijta, Alle waxan ka baryeynaa in ummadda dhaafiyo.
Dalka Editorial