Adduunka maanta waxaa ka soo haray ammakaag iyo af kala heyn, waxa socda waxa aan horay loo arag oo mucjiso ku noqday dunnida gaar ahaan dalkeenna soomaaliya
Nin adduunyo joogow maxaa weli aragti kuu laaban, ammaan faraha ka baxay oo middaan ka daran horay nooma sooma marin, dilal dhan walba ah oo habeen iyo maalin si iskugu mid ah u dhacayaa oo miyi iyo magaalo kala lahayn, sow wax lala yaabo maahan?
Waxaan maqli jiray adduunyo gaddoon iyo aakhiro samaan, war dadka xaggee loo gurayaa oo lagu wadaa, haddeyse sidan iskaga socoto dalkan yaa u hari doona waa yaabe, war yaa dadka laynaya?
Yaa mas’uuliyaddeeda qaadanaya dadkan maalin waliba ay dileyso gacan ka xaqdaran, mase la ogyahay gacmaha wax dilidda u bartay inaysan marnaba joogsaneyn?
Haddaba, waxa dadka dilaya waxay isugu jiraan dhowr nooc oo midba midka kale ka daran yahay, dadkiina waxay noqdeen xayawaan iska daaqaya oo maalin waliba xeyn la dilanayo, waana arrin uur ku taallo nagu reebtay dil aan cid loo raacanayo lahayn oo waa baareynaa iyo waan daba joognaa un ku soo afjarma.
Gacmaha dadka dilaya waxaa ugu horreeya argagixisada khawaariijta oo aan geedna ugu soo gabaneynin inay wax dilaan, waxaa ka laba ah Burcadda hubeysan oo meel walba u fariisatay bulshada ku baada ku furta, ku kufsada kuna dila iyagoon cidna uga baqeynin sidoo kale
Kuwa marqaanka iyo qamarjinimada ku fogaatay oo si gaar ah u dila haweenka iyo caruurta, ama ha qabo ama yuusan qabinee u diyaarka ah inuu laayo haweenka iyo caruurta, waana cadowyada haatan muuqda oo miiska saran.
Marka haddaan u soo laabanno maxay waxaan oo dhan u dhacayaan dalka miyuusan lahayn ciidammo amniga u qaabilsan waa su’aasha kowaad ee qof waliba hor iman karta.
Haddaba, dalka waxaa jooga ciidammo ku filan inay sugan amniga habeen iyo maalin, balse hasha maankeyga gaddayee ma miinsaar bay liqday baa Meesha ka muuqata.
Haddii qof waliba uu af tirtirasho ka dhigtay amaanka, haddana dadku la’anayaan Bal adiga maanso ka tiri, maxaa kalifay meel dowlo joogto oo ciidamo ka howlgalayaan in dadka lagu dilo si bareer ah.
War soomaaliyeey runta isu sheega oo fadhiga ka ka kaca oo amnigiina sugta, badalmaa aad isku haleyn lahaydeen cid kale oo danaheeda ku mashquulsan.
Amaanku kuma yimaado afka oo laga sheegto ee wuxuu ku yimaadaa howl gallo isdaba joog ah oo lagula dirirayo burcadda iyo balayaada kale oo dhan.
Sidaan horay u iri diinteenna macaanta badan arrintan meel ayay dhigtay oo ay iska taagtay, xaggana ma jirno xaggana ma jirnee sidee wax u jiraan.
Sow kuma habboona in dadka runta loo sheego oo la yiraahd iska difaaca, ama laga difaaco dhurwaayada u miranaya, ama maalinta cad kugu cunaya magaalooyinka dhaxdooda, sidan si maahan ee bulshada nabad gelyadooda iyo amnigooda hala sugo iyagaa dowlad loo yahaye.
Waan ogahay soomaalida runta iskuma jecla, laakin waa la sheegayaa haddey mudh ka qaraar tahayna.
Dabac aad u daran ayaa muuqda, howlgal yari ayaa sidoo kale muuqata, waxaana mudan in farta lagu fiiqo qeybaha kala duwan ee arrintan ku shaqada leh loona sheego inay dayacan tahay howshooda.
Haddey danta nagu qabasbtana mid mid ayaan u soo sheegi doonnaa, magaalada muqdisho iyo daafaheeda khabar iyo qeyla dhaanta ka soo yeereysa wax qabad ayay u baahan tahay ee uma baahna in dadka af lagu qanciyo.
Caddaaladda waxaan u sheegayaa in ay dhaqaaqo, arrimahan socdaa indho iyo dhego u yeelato, dadka ayaa wax lagu yahay, waxna loo yahay arrintan sida haloo dhaamo.
Nin wax dilaaya, waa in la idlaa, haddii kale inta kale ayuu dilayaa, waa hubaal inay dawo u tahay waxa socda ee umadda ka yaabiyay, dadku waxay leeyihiin waxaa dadka loo dilayaa oo laga faa’iideysanayaa kala guurka, waxaaba loo baahnaa in xilliga kala guurka si aad u daran loo adkeeyo amniga dalka.
Si kastaba arrintu ha ahaatee waxaa habboon in si dhaqso ah fadhiga looga kaco oo arrimaha haatan jira wax looga qabto, waayo qeylo fara badan ayaa yeereysa, degmo ilaa ka degmo ayaa dhawaaqeysa, dilal laga argagaxo oo alif dhaafay ayaa jira.
Arrintan waa in aan loo kala harin oo shacab iyo xukuumadda u diyaar garoobaan in ay bulshada hoostooda la gala baxay oo la guranayo ka difaacana kuwa u soo mara dhigtay feenashada hilbaha danyarta nolol la tacaalka ah.
Dalka Edatorial