Diiwaangelinta Musharrixiinta Madaxweynaha oo Maalintii labaad ka socoto MuqdiSho

Guddiga isku-dhafka ah ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalintii labaad Xarunta Aqalka sare ka wada Diiwaangelinta Musharaxiinta u tartamay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya

Xubanaha Guddiga aya shalay Diiwaangeliyay ilaa 10-Musharax kuwaas oo buuxiyay shuruudihii loga baahnaa,waxan lagu wada in manta xarunta ay ka socoto Diiwaangelinta in ay garaan Masharaxiin kale oo taagan qabashada xilka ugu sareeyo Dalka ee Madaxweynaha 10-Aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya

Diiwaangelinta musharrixiinta Madaxweynaha ayaa socon doonta ilaa 10 Bishaan, waxaana xilka madaxweynaha u tartamaya musharaxiin badan oo hami kaga jiro xilka ugu sarreeya dalka.

15 Bishaan ayaa loo asteeyay inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, sida ay guddiga doorashada horay u shaaciyeen.