Masagawaay(WARGEYSKA DALKA):-Maamulka iyo shacabka magaalada Masagawaay ee degmada Galcad ayaa si weyn ugu qulqulaya goobaha laga wado diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka dadweynaha.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah uga daah-furay magaalada Masagawaay diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada qof iyo codka ah, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu hirgelinayo nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka.
Munaasabadda daah-furka waxaa si rasmi ah u furay Guddoomiyaha degmada Galcad, Cismaan Cariif, oo ay wehliyaan masuuliyiinta maamulka Masagawaay. Masuuliyiintan ayaa iyaguna iska diiwaangeliyay xarumaha diiwaangelinta, iyagoo bulshada ku dhiirrigeliyay ka qeyb qaadashada howlaha doorashooyinka.
Qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka ayaa si weyn uga qeyb qaadanaya isdiiwaangelinta, iyagoo muujinaya farxad iyo diyaar garow ku aaddan ka qeybgalka doorashooyinka tooska ah ee qof iyo codka ah.
Maamulka degmada Galcad ayaa ugu baaqay shacabka in ay si firfircoon isu diiwaangeliyaan, si ay uga qeyb qaataan doorashada cidda hoggaamniyasana ay iyaga soo doortaan, si loo xoojiyaan hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.





