Diinta Islaamka waa diin la timid nadaafad, nuur iyo akhlaaq iswada huwan waana dhaqan dhameystiran, Carabta inta uusan islaamka u imaanin waxay ahaayeen kuwo aan u dadaalin nadaafadda, waayo Jaahil bay ka ahaayeen nadaafadda iyo faa’iidooyinkeeda waayo ma jirin wax ku haga wanaagga ay leedahay naddafadda, sidaas oo kale ayay ahaayeen reer galbeedka ilaa iyo haddana way yihiin xataa saxarada iskama dhaqaan kaliya waxay ku tirtiraan waraaqaha, sidoo kale kaadida iskama nadiifiyaan haday doonaana istaag yeyba ku kaadiyaan.
Diinta islaamka waxay ku dadaashay nadaafadda waxayna amartay in la ilaaliyo ilaa ay gaarsiisay heer lagu tilmaamay nadaafaddu inay tahay Iimaanka barkiisa, taasoo markaati ah sida Diinteena Islaamka ay ugu dadaashay muhiimadduna u siisay Nadaafadda.
Waxyaaabaha Diinta Islaamka sida xoogga leh uga hadashay nadaafadduna la xiriirisay waxaa ka mid ah: Cadayga, weysada, qubayska, barafuunka iyo dhammaan wixii qurxoon oo dhan.
Nabigeena naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha haatee wuxuu ahaa qofka ugu nadaafad badan ummaddiisana wuu ku booriyey in ay ku dadaalaan asigaana qudwa inoo ah.
Nabigeenna naxariis iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaatee wuu ku dadaali jiray wax walboo nadaafadda loo isticmaalo aad buu u jeclaa, waxyabaha ku dadaali jiray waxaa ka mid ah Cadayga aadna wuu u dhiirogeliyey isticmaalkiisa ilaa uu ku yiri asxaabta haddii ka baqi laheyn in aan dhibo ummaddeyda cadayga ayan fari lahaa.
Teeda kale Nabiga SCW dhididkiisa wuxuu ka caraf badnaa miski wuxuu ahaa qof mar walba malaa’iga la kulma, aadna wuu u caraf badnaa, Nabiggeenna asiga ayaa tilmaamay inuu jecelyahay udgoongawuxuuna yiri: waxaa la jecleysiiyey Dumarka iyo Udugga ama waxyaabaha carfa.
Sidaas daraadeed Ma jiro wax ka nadaafad badan diinta islaamka oo aan ku abtirsano, sida aan wada ognahay ruuxa Muslimka ah maalintii wuxuu dukadaa shan jeer waxaana laga rabaa si salaadiisa ansax u noqoto inuu weysa leeyahay, weysada ayaa iyaduna qeyb ka ah nadaafadda ruuxa muslimka ah.
Diinteena waxay boorinay in lagu dadaalo nadaafadda meelaha lagu noolyahay iyo dariiqyada wadooyinka la maro lagana ilaaliyo wasakhda iyo wax walbo dhib ku keeni karo ummadda iyo dhammaan noolaha, iyadoo Xadiith noogu sheegay Nabigeena NNKH dhibka iyo waskhda oo dariiqa laga qaado inay tahay sadaqo.
Nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – nin tintiisa wasakh ah oon shanlaysnayn wuxuu yiri:
(kan ma helin miyaa wax tintiisa uu ku hagaajiyo?), nin kale ayuu arkay oo xiran dhar aan nadiif ahayn, wuxuu ku yiri:
(kan ma helin miyaa wax dharkiisa uu ku dhaqdo?)
W/Q: Ibraahim Warsame Xuseen