DIINTEENNA WAXAY ILAALISAY XUQUUQDA NAF WALBA

Diinteenna suuban ee Islaamka way kasoo horjeedaa xad-gudub walboo lagula kaco ruux bani’aadam ah Muslim iyo Gaal midkuu doono ha ahaado e, waa mid qof walba siisa xuquuqdiisa isla markaana si aad ah uga taxadarta eexda iyo qof jaclaysiga marka ay timaaddo xuquuq siinta qofka Muslimka ah iyo qof aan Muslim ahaynba.

Shareecada Islaamku waxay si buuxda u damaanaqaaday nolosha ruux walboo Alle abuuray, meelna ugama taalo in lagu xad gudbo xuquuqda Qof aan waxba galabsan, Dambiilaha waa meeshiisi, dambiile waa dambiile, wuxuu mutaysto ayey marinaysaa shareecada xad-gudub la’aan, xitaa dambiilaha lama ogola in lagu ciqaabo wax ka badan inta uu mutaystay (micnaha lagu xad gudbo) kaliya intuu geystay in u dhiganta uun baa laga goynayaa.

Wadamada Muslimka ah, kuwooda looga dhaqmo diinta Islaamka – qofkiisameeyo xad gudub noocuu doono iyo intuu doonana ha la ekaade waxaa lagu xukumaa wixii diinta fartay in qofkaas la marsiiyo ama lagu ciqaabo. Marka aan eegno haweenka Muslimiinta ah, Diintu waxay siisay xuquuq dhameystiran oo sal adag mana jirto diin aan ka aheyn Islaamka oo sidaa u ilaalisay, inkasta oo mararka qaar bulshada dhexdeeda xad gudubyo ka dhacaan haddana mar walba bulshooyinka Muslimiinta ah way ogyihiin in shareecada Islaamku ay si weyn u ilaalisay waxa ay xaqa u leeyihiin haweenka Muslimaadka ah.

Dumarku waxaa laga rabaa inay ogaadaan in xuquuqdooda dhameystiran ay diintooda Islaamka u balan qaaday, sidaana ugu qancaan oo meel kale aan u hanqal taagin, Islaamka ayaa damaanad qaaday xuquuq walboo ay leeyihiin. Waxaa kaloo la gudboon Haweenka Muslimaadka ah in ay si qoto-dheer u fahmaan diintooda oo aan loogu turjumin si ay u ogaadaan darajada ay diinta Islaamka gaarsiisay, inta badan haweenka muslimiinta ah hadda waxaa saacida oo ugu warama Culimada oo ka caawiya in ay fahmaan xuquuqdooda ku salaysan shareecada Islaamka.

Inta badan waxaa jirta Oraah la adeegsado oo ay soo qataan dadka u olaleeya waxbrashada gabdhaha oo ah “Gabadh wax baratay waa bulasho waxbaratay”. Ujeedka laga leeyahay Oraahdaan ayaa ah in gabdhaha lagu dhiirrigaliyo waxbarashada diini iyo maadi intaba. Nebi Muxammad NNKH, wuxuu dhiirrigaliyay waxbarashada guud ahaan rag iyo dumarba. Marka ay timaaddo in haweenku ay jago sare u tartami karaan iyo inkale waxay ubaahan tahay in dib loogu laabto shareecda oo loo bandhigo Culimada diiinta sida wanaagsan u gu xeeldheer, waxaase mar walba la og yahay in aysan diintu culeys ahayn oo ay ku dhisan tahay hab fudud oo naxariis ku jirto.

Dumarku waxay kaalin weyn ku leeyihiin arrimaha masiiriga ah haddii ay tahay mid qoys iyo bulsho intaba, waana sababta ay u yihiin aas-aaska qoyska, oo iyaga la’aantood wax badan horumar lagama gaareen marka ay timaaddo meesha dadka u ah aas aaska nolosha iyo horumarka bulshada intaba. In lala tashado haweenka waa muhiim marka la gaarayo go’aamada ku qotoma arrimaha masiiriga u ah diinta iyo kuwa bulshada ama qoysaska dhexdooda ahba, waa arrin mudnaanteeda leh, in la ogaado inay tahay wax weyn, sababtoo ah Nabi Muxammad wuu la tashan jiray xaasaskiisa taas oo muujinaysa sida shareecadu arrintaa muhiimadda u siisay.

Soomaaliya oo kaliya ma aha meelaha xuquuda dumarka ay shareecda Islaamku waynaysay ee waxaa jira dalal badan oo Muslimiin ah oo haweenkoodu ay sheegaan in waxa ay xaqa u leeyihiin uu qorayo Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah. Xiligii Nabiga NNKH dumarku door muuqda ayay ku lahaayen bulshada waxaana la xaqiijiyay haddii ay si dhab ah u fahmaan shareecda Islaamka in ay ku qancayaan halka ay diintu dhigtay xuquuqdooda.

WQ: Ibraahim Warsame Xuseen