DIINTA OO LA’DAA’IMO AYEY DANTU KU JIRTA

Diinta Islaamku waa diinta kaliya ee xaqqa ah ee ilaa maalinta Qiyaamahana baaqi ahaan doonto, ka soomaali ahaan, Islaamku wuxuu  nagu leeyahay taariikh facweyn iyo kaalin lama ilaawaan ah. waqti xaadirkan jooganana shacabka Soomaaliyeed waxay kaga sii fahmi iyo ku dhaqan ogyihiin diinteena islaamka ee xaniifka ah, waayo waxay u barteen si ka baaxad weyn sidii hore, aqoon dheeri ahna way u yeesheen, taasina waxay meesha ka saartay walwalka ah in dadka qaar isku dayaan mararka qaar inay soo dusiyaan waxyaabo khilaafsan Shareecada Islaamka, iyadoo isla markiiba ay si wadajir ah uga dhiidhiyaan shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah.

Diinta Islaamka waa tii ugu danbeeysay ee Ilaah soo dajiyo, sida Allaah inoo cadeeyay “Maanta ayaan idiin dhameeystirnay diintiinii”i. Hase ahaatee; Nabiga SCW waxa uu inoo waramay “Ilaah inuu u soo saarayo umaddan qarni kasta qof u cusbooneeysiiya diinteeda”ii Waxaa hubaal in aqoon yahankan keeni doonin diin cusub balse uu diintii la weeciyay, khalad loo qaatay, ama laga dhacay in la fahmo, uu boorka ka jafi doono, isaga oo u laabanaya asalkii diinta oo ah quraanka, sunnaha iyo mabaadiida Islaamka ee waaweyn, ee ay isla ogolaadeen culumida ku xeeldheer garashada diinta Islaamka.

Taariikhda Islaamka waxaa dhex ceegaaga tusaalayaal waaweyn oo xoojinaya arintan, laga soo bilaabo qarnigii kobaad ee Islaamka, oo waxaa horteena imaanaya fahankii Ibnu-Cabaas, ee ku aadanaa ujeedooyinka Islaamka kana fogaa xaraf ku dhagga. Laga soo bilaabo qarnigii kobaad illaa qarnigan aynu joogno waxaa socdo dadaalo joogto ah oo ay culimada ku cusbooneysiinayaan diinta, kalana dagaalamayaan bidcada, soo galootiga iyo waxwalba oo diinta ka weecinayo ujeedooyinkii ay u soo dagtay ineey gaarsiiso aadanaha.

Taariikhda dheer ee Islaamka waxaad ku arkeeysaa fahan islaam oo kala gadisan, haddeey ahaan laheyd hertankii ka dhacay

Culimadii ku fogaaday in si falsafadi ku dheehantahay loo fahmo diinta, iyaga oo ku dooday in fakarka iyo caqliga yahay waxa ugu muhiimsan ee qofka muslimka ah Ilaah kula xisaabtmi doono iyo kuwii kale ee aaminsanaa in diinta laga ilaaliyo aqoonta soo galootiga ah.

Fuqahadu waxay xoogga saareen inay umadda u kala cadeeyaan xalaasha iyo xaaraamta halka culimo ay ka mid yihiin Abu-xaamid Al-gazali, Ibnu-taymiya ay iftiimiyeen in diintu aheyn xalaal iyo xaaraam oo kaliya, balse ay muhiim tahay in xoogga la saaro qaybo saldhig u ah diinta oo uu fiq’higu ka tagay sida Iimaanka (caqiidada) iyo Akhlaaqda. Oo waxaad ka daalcan kartaa labadaan sheekh kutubtooda doodaha ay ka galeen arintan.

Culimadii Suufiyada, ee iyagna ku hawlanaa laylinta nafta iyo cibaadada joogtada ah, dayacayna noloshii kale ee aduunka iyo culimadii ka horyimid fahanka sidan ah, ee dadka u cadeeyay in suufayada teeda wanaagsan ay tahay tii nabi Muxamad SCW iyo saxaabadiisii laga dhaxlay, ee aduun iyo aakhiro labadaba loo shaqeeysanayay.

Culimadii u fahmay Quraanka in sida muuqata loogu dhaqmo iyo culimadii diiday fahanka xaraf raaca ah, ee dadka u sheegay in diintu leedahay ujeedoonyin (Maqaasid) guud oo waa weyn, iyada oo laga duulayana diinta lagu fahmo iyo in aayadaha quraanka ee isku moowduuca ka hadlaya laysu geeyo si micnaha iyo ujeedada dhabta ah loo helo.

Haddaba fahan Islaam oo ka jawaabo dhibaatooyinka haaysto muslimiinta gaar ahaan Soomaalida waxaa lagu gaari karaa in dib loo eego maabaadiida Islaamka, raadraacna lagu sameeyo sidii Islaamku xal ugu noqday dadyawgii hore, sida bulshadii ku dhaqneyd Madiina ee Aws iyo Khazraj, lana ifiyo hab- dhaqankii(Siiradii) Nabiga SCW uu ku gaaray guusha.

Culimada Islaamka waxey isla-ogolaadeen in Islaamku leeyahay afar mabaadi oo waaweyn waxa kalena ay hoos imanayaan:-

  1. Ilaalinta Diinta: In la dhawro qofka diintiisa, sidoo kale xurriyadda uu u leeyahay inuu qaato diinta uu doonayo, iyada oo laga duulayo fahanka ah “Diinta khasab ma’aha xaq iyo baadilna wey kala cadaadeen”iii Taariikhda Islaamkana waxaad ka heleeysaa tusoolooyin badan oo muujinaya in Muslimiinta ay ahaayeen u gargaarayaasha xurriyadaha.
  2. Ilaalinta Nafta: In la ilaaliyo nafta qofka, lana xushmeeyo waa mabda’a Islaam, Ilaah waxuu inoo sheegay inuu sharfay aadanaha. Waxay taariikhda Islaamka sheegtay in Culimada badankood ay diideen inay mubaayaco la galaan boqortooyinkii Umawiyiinta iyo Cabaasiyiinta, waxayna sabab uga dhigeen boqorradaa oo baneeystay dhiigga dadka. Somaaliya waxaad arkaysaa in naftu tahay waxa ugu raqiisan, waxaana laga yaabaa kii dadka ku laaynayay jidka inuu masjidka uga horeeyo dadka kale, maxaa yeelay fahankiisa ka fog ujeedada diinta ayaa u waramay in qofka haddii uu tukado waxa kale oo dhan iska fududaanayaan oo uu janno ku danbeyn doono, Laakiin waxuu qoraanka kariimka ah inoo sheegayaa in qofkii dila walaalkiis si ulakac ah uu ku waarayo jahanamo.
  3. Ilaalinta Caqliga: in laga ilaaliyo caqliga maandooriyaasha iyo waxkasta oo ka qaadayo masuuliyadda Ilaah saaray, sidoo kale laga ilaaliyo in la caburiyo oo laga hor istaago inuu fakiro isla markaana si xurriyad ah u cabiro waxa uu doonayo. Islaamkana waxa uu qofka ugu baaqayaa inuu fakiro xitaa markii uu doonayo inuu garto jiritaanka Ilaah iyo hagaagsanaanta diinta Islaamka.
  4. Ilaalinta hantida ama hanaanka dhaqaalaha, sababtoo ah dhaqaalaha waa laf-dhabarka nolosha. Hantida la ilaalinayo waxa ay noqonaysaa tan goonida ah iyo midda guud oo si caddaalada ah loo deeqsiiyo dadka ay ka dhaxeyso. Sidoo kale in loo fududeeyo dadka sidii ay risqi xalaal ah u shaqeeysan lahaayeen.

WD: Ibrahim Warsame