Digniin loo diray dadka ku howlan boobka dhulalka danta guud ee ka socda degmada Afgooye

Gar-yaqaanka guud ee Qaranka ayaa ka digay boobka lagu hayo dhulalka danta guud ee ka socda degmada Afgooye, taasi oo la sheegay inay ku lug leeyihiin Hay’ado iyo Shaqsiyaad, iyagoo raba inay u adeegsadaan danahooda gaarka ah sifo aan sharci aheynna kula waregaan.

Warqad kasoo baxday Xafiiska garyaqaanka guud ee Dowladda FS ee Muqdisho, Dr; Cusmaan Cilmi Guuleed ayaa ka digay in la boobo dhulka dowladda ay leedahay, iyadoo loo marayo sifo aan waafaqsaneyn sharciga.

Gar-yaqaanka ayaa u digay hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo cid kasta ee ku howlan qabsashada cabirashada ama wax kasta oo wax ka baddelaya asalka dhulalkaas inay ka waantoobaan.

Halkan ka aqriso:-