Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa ku dhawaaqday in la dilay kaaliyihii u qeybsanaha maamulka Safaaradda Masar ee Khartuum.
Wasaaradda ayaa barta ay ku leedahay Twitter-ka ku baahisay baroor diiqda marxuumka, iyadoo intaasi ku dartay in xilliga la dilayay Diblomaasigan uu ku sii jeeday dhismaha Safaaradda ee camagaalada Khartuum.
“ Wasaaradda arrimaha dibadda waxa ay aad uga murugoonaysaa, geerida Professor Mohamed Al-Gharawi, oo ahaa kaaliyahii u-qaybsanaha maamulka Safaaradda Masar ee Khartuum, Marxuumku waxaa la dilay xilli uu ku sii socday Xarunta Safaaradda si uu u daba-galo hawlaha lagu soo daad-gureynayo muwaadiniinta Masar ee ku xayiran magaalada Khartuum.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Masar.
Geerida Professor Mohamed Al-Gharawi, ayaa timid wax yar un ka dib markii Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ay sheegtay in 436 muwaadiniin Masaari ah laga soo badbaadiyay dagaalka ka socda Suudaan, iyadoo la kaashanayo mas’uuliyiinta Xukuumadda Suudaan.