Dibadbax lagu taageerayo Madaxweyne Xasan Sheikh oo lagu qabtay Gaalkacyo.

Maamulka Dowlada Hoose Ee degmada Gaalkacyo ayaa qabtay Dibad bax balaaran oo Lugu Taageerayay Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

Dibad baxan ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Gobalka Mudug, Gudoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo ahna Kusimaha Gudoomiyaha Eng: Maxamed Cabdi Cilmi , xildhibaano ka tirsan golaha deegaan Odayasha dhaqanka, Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada,Maamulada xaafadaha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada,

Dhamaan kasoo qeyb galayaasha dibada baxa oo ay Masuuliyiintu ugu horeeyaan ayaa si diiran usoo dhaweeyay Madaxweynaha 10-Aaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud oo soomaaliya hoggaamin doona afarta sano ee soo socota.